Xaflad loo dhigay arday ka qalin-jebisay Jaamacada PSU oo ka dhacday Garoowe (Masawiro)
March 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qaybgalay xaflad qalin-jebineed oo loogu qabtay Jaamacadda PSU 119 arday oo ka baxay kuliyaddaha kala duwan.
Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaaji Warsame, Gudoomiyaha PSU Dr. Maxamuud Shiikh Xaamud, masuuliyiinta dowladda, wakiilo ka socday Hay’ addaha, waalidiin, aqoonyahano iyo ardeyda Jaamacadda ayaa ka soo qaybgalay munaasibadda.
Madaxweynaha Puntland ayaa bilawgii hadalkiisa hanbalyo u diray dhamaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda oo uu sheegay inuu kala qayb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen.
Waxa uu ka sheekeeyay Dr. Cabdiweli Gaas Taariikhdiisi Jaamacadda PSU Garowe oo uu bare ka ahaa 2008, isagoo mahad gaar ah u ceshay maamulka Jaamacadda oo u dhabar adeegay caqabado la soo gudboonaaday.
Waalidiinta dusha saartay inay waxbaraan ubadkooda ilaa heer jaamacadeed iyadoo la eegayo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira ayuu ku tilmaamay madaxweynaha Puntland arin u baahan in lagu bogaadiyo, isagoona balanqaaday ardayda dalka gudihiisa wax ku bartay inay mudnaanta kowaad yeelan doonaan.
no images were found
Madaxweynuhu waxa uu shaaca ka qaaday inay xukuumaddu kordhin doonto Miisaaniyadda waxbarashada, waxana Ganacsatada uu ugu baaqay bixinta canshuuraadka si ardayda reer Puntland u helaan waxbarasho lacag la’aan ah.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland