Xafladii daahfurka Markazka Quraanka iyo culuumta islaamka ee Soomaaliyeed(Masawiro)
March 8, 2014 - Written by EditorSudan:-Waxaa maalinimadii jumcada ee ku beegnayd 7/3/2014 –6/5/1435 ka dhacday magaalada Khurtuum ee caasimada wadanka suudaan xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu daahfurayey xarun casri ah oo lagu baran doono quraanka iyo culuumta islaamka. Xaruntaas oo ah tii u horaysay oo nooceeda ah oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ka furaan wadanka Suudaan ayaa loogu tala galay inay daboosho baahida waxbarasho ee jaaliyada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wadankaan ku nool, xarunta waxaa halabuurkeeda iyo fulinteedaba lahaa gabadha soomaaliyeed oo iskood isu abaabulay.
Xaruntu waxay ka diiwaan gashan tahay Jamciyada guud ee quraanka ee wadanka Suudaan , mar uu ka hadlayey xaflada masuul ka socday jamciyadaas wuxuu sheegay inay jamciyada horay u hoos imaan jireen 999 xarumood , xaruntaanina ay buuxinayso kunka, sidoo kalena ay tahay xaruntii ugu horaysay oo ay furtaan guud ahaan jaaliyadaha kala duwan ee wadankaan ku nool.
no images were found
Xaflada oo ay kasoo qayb galeen boqolaal qof oo isugu jiray aqoonyahano , culumo, haween , ganacsato , arday, dhalinyaro , dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale ayaa dhamaan dadkii halkaa ka hadlayey ugu mahad celiyeen gabdhihii soomaaliyeed ee xarunta aasaasay, waxayna balan qaadeen inay xarunta taageerayaan dhinac kasta, waxaana isla goobtii looga dhawaaqay gudi waxgarad ah oo gabdhaha kala shaqeeya horumarinta iyo taageerada xarunta.
Gabadhahaas ayaa goobta ka sheegay inay xaruntu ay qaban doonto barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-
· Xifdinta Quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa
· Barashada axaadiithta nabiga NNKH
· Siirada iyo taariikhda islaamka
· Luqada carabiga
· Wacygalinta gabadhaha iyo baraarujintooda
· Arimaha qoyska iyo barbaarinta caruurta
· Isku xirka iyo iskaashiga bulsheed ee jaaliyada Suudaan
Ugu danbayn xafladaas ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u qurux badan.
Sh.Ahmed Dheeli
Khurtum-Sudan
Cidii danaynaysa xarunta waxay kala xiriiri kartaa
Tel: 0024999736542100249997365421 ama somcenfqm@gmail.com