Xafladii daahfurka Markazka Quraanka iyo culuumta islaamka ee Soomaaliyeed(Masawiro)

March 8, 2014 - Written by Editor

20140307_161729Sudan:-Waxaa maalinimadii jumcada ee ku beegnayd 7/3/2014 –6/5/1435 ka dhacday magaalada Khurtuum ee caasimada wadanka suudaan xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu daahfurayey xarun casri ah oo lagu baran doono quraanka iyo culuumta islaamka. Xaruntaas oo ah tii u horaysay oo nooceeda ah oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ka furaan wadanka Suudaan ayaa loogu tala galay inay daboosho baahida waxbarasho ee jaaliyada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wadankaan ku nool, xarunta waxaa halabuurkeeda iyo fulinteedaba lahaa gabadha soomaaliyeed oo iskood isu abaabulay.

Xaruntu waxay ka diiwaan gashan tahay Jamciyada guud ee quraanka ee wadanka Suudaan , mar uu ka hadlayey xaflada masuul ka socday jamciyadaas wuxuu sheegay inay jamciyada horay u hoos imaan jireen 999 xarumood , xaruntaanina ay buuxinayso kunka, sidoo kalena ay tahay xaruntii ugu horaysay oo ay furtaan guud ahaan jaaliyadaha kala duwan ee wadankaan ku nool.

no images were found

Xaflada oo ay kasoo qayb galeen boqolaal qof oo isugu jiray aqoonyahano , culumo, haween , ganacsato , arday, dhalinyaro , dublamaasiyiin iyo marti sharaf kale ayaa dhamaan dadkii halkaa ka hadlayey ugu mahad celiyeen gabdhihii soomaaliyeed ee xarunta aasaasay, waxayna balan qaadeen inay xarunta taageerayaan dhinac kasta, waxaana isla goobtii looga dhawaaqay gudi waxgarad ah oo gabdhaha kala shaqeeya horumarinta iyo taageerada xarunta.

Gabadhahaas ayaa goobta ka sheegay inay xaruntu ay qaban doonto barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-

· Xifdinta Quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa

· Barashada axaadiithta nabiga NNKH

· Siirada iyo taariikhda islaamka

· Luqada carabiga

· Wacygalinta gabadhaha iyo baraarujintooda

· Arimaha qoyska iyo barbaarinta caruurta

· Isku xirka iyo iskaashiga bulsheed ee jaaliyada Suudaan

Ugu danbayn xafladaas ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u qurux badan.

Sh.Ahmed Dheeli
Khurtum-Sudan
Cidii danaynaysa xarunta waxay kala xiriiri kartaa
Tel: 0024999736542100249997365421 ama somcenfqm@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online