Xarunta Cilmibaarista & Diraasaadka oo dood cilmiyeed ku qabatay magaalada Muqdisho (Masawiro)

March 9, 2014 - Written by Editor

DSC00090Muqdisho:-Dood cilmiyeed ku saabsan Tacliinta Sare ee Soomaaliya dhibaatooyinka soo wajahaya & sida looga gudbi karo oo ay soo qaban qaabisay   Xarunta Muqdisho ee diraasaadka & cilmibaarista ayaa Sabtidii shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaaliya.

Dood cilmiyeedkan  oo ka dhacay xarunta mu’asasada SAFAA , waxaa ka soo qeyb galay qaar ka tirsan maamullada jaamacadaha kuyaal Magaalada  Muqdisho , aqoonyahano ku xeeldheer waxbarashada , culumaa’udiin , bareyaasha jaamacadaha & weliba ardayda.

Dood cilmiyeedka waxaa furay guddoomiyaha Xarunta cimlibaarista Muqdisho, Ustaad C/wahaab Cali Muumin oo ka warbixiyay waxqabadka xarunta & ujeedada ka dambeysa qabashada nadwadaan, wuxuuna xusay in tacliinta sare ee soomaaliya ay sameysay kobac weyn, & kororka tirade hay’adaha & jaamacaadka ku howlan tacliinta sare , wuxuuna xusay in lagama maarmaan ay tahay in la tayeeyo adeegyada waxbarasho oo ay bixiyaan jaamacadahaas.

Hadafka Nadwadaa yuu C/wahaab ku sheegay in la ogaado lana helo fikradaha aqoonyahanka & bahda waxbrashada , wuxuuna hadalka ku soo dhaweeyay aqoonyahanadii  lagu casuumay in ay soo bandhigaan diraasaad ku saabsan mushkiladaha haysta  tacliinta sare & hababka lagu xalin karo.

no images were found

.

Aqooyahanadii ka hadlay Nadwada ayaa sheegay in   mushkiladaha hada ka jira dhanka tacliinta sare intooda badan ay yihiin kuwa laxiira la xiriira dhanka maamulka jaamacadaha, dhanka bareyaasha , dhanka manaahijta, dhanka ardayda  & weliba dhanka jawiga waxbarashada.

Aqoonyahanka diraasadaha ka soo jeediyay  nadwadaan waxay kale ahayeen :-
Dr Hassan Sh C/qaadir
Ustaad Adam Shidane Guuleed
Ustaad C/laahi Maxamed Ciise
Ustaad C/naasir Xasan Axmed
Ustaad Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe
Dood & falanqeyn dheer ka dib, ayaa waxaa lacarabaabay in tacliinta sare ee Soomaaliya ay haystaan dhibaatooyin badan  , loona baahan yahay in loo helo xal, waxaana talooyinka ka soo baxay dood cilmiyeedkan ka mid ah:-
– In Wasaaradda Hidaha & Tacliinta sare sameyso ‘’Guddiga Tacliinta Sare’’ lana dejiyo siyaasadda tacliinta qaranka.
– In jaamacaduhu sameeyaan Goleyaal qaabilsan dhowridda & horumarinta tayada tacliinta.

– In jaamacaduhu hadafkooda ka dhigtaan soo saaridda arday ka dhisan xaga aqoonta, akhlaakhda.

– in maamulka jaamacaduhu ku dadaalaan kobcinta aqoonta & tababarka bareyaasha.

– In lagu dadaalo casriyenta manaahijta waxbarashada & horumarintooda.

– In la xoojiyo xirrirka  & iskaashiga u dhaxeeya mu’asaadka ku howlan tacliinta sare.

– In laga faa’ideysto tajaaribta wadamada ku horumaray tacliinta.

– In la joogteeyo dood cilmiyeedyada  la xiriiro horumarinta tacliinta Sare & tayeynteeda.

Mu’asasada SAFAA
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online