Xoghayaha Arrimaha dibada ee Xisbul Islaam oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.[Dhagayso]
March 1, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Xoghayaha arrimaha dibada ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sheekh. Maxamed Macalim Cali ayaa maanta waxaa uu shir jaraa’d ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo weerar dhinac afka ah uu ku qaaday hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane isagoo ku eedeeyey in ay shacabka Soomaaliyeed dhiigooda uu banaystay isaga iyo kooxda uu madaxda u yahay.
Xoghayaha Arrimaha dibada ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sh. Maxamed Macalim Cali ayaa waxaa kale oo uu ku eedeeyey ururka Al-shabaab in ay laayeen culimadii dalka Soomaaliya isagoo xusay Sh Maxamed Tahliil Warsame, Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax, sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo ragg kale oo skugu jira ganacsato iyo aqoon yahayno oo ay dileen amniyaad Al-shabaab.
Xoghayaha Arrimaha dibada ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sh. Maxamed Macalim Cali ayaa sheegay in ururkoodu uu diyaar u yahay in ay wada xaajood la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya balse ay raali ka ahayn ciidamada Shisheeyey ee AMISOM ee dalka Soomaaliya lagu soo gurayo.
Ugu danbayntii ayaa Xoghayaha Arrimaha dibada ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sh. Maxamed Macalim Cali waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay go,aan miday san ay ka qaataan ururka Al-shabaab iyo madaxdooda oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed wax walba u diideen oo xitaa Masaajidda lagu soo tukan waayey waa sidda hadalka uu u dhigaye.
Xoghayaha Arrimaha dibada ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sh. Maxamed Macalim Cali ayaa waxaa kale oo oo ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in si shuruud la’aan ah ay ku sii daayaan guddoomiyihii Ururka Xisbul Islaam Sh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda.
Hoos ka dhagayso shirka Jaraa’id ee uu Xoghayaha Arrimaha dibada ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sh Maxamed Macalin ku qabtay magaalada Muqdisho
A/cawaale
Halgan.net