Yaa Jaajuus iyo Murtad ah ?W/Q Maxamed Ibraahim Cawad Abuu hureyra

March 18, 2014 - Written by Editor

Abu_AxmedIlaahay baa awood badan qofkii aaminaana xaqa ku sugan, waxa nabad iyo naxariis mudan rasuulkeena Muxammed CSW iyo ehelkiisii wanaagsanaa, asaxabatiisii raacday RC iyo intii laga gaadho maalinta qiyaame. Aaamiin

Akhristayaasha webkan halgan.net waxan rabaa inaan la qaybsado arin aad muhiim iila noqotay. Sheeko na dhex martay aniga iyo nin saaxiibkay ah aana nahay qaraabo dhow. Waa tan sheekadii:

Nin aan asaxaab iyo ehel nahay baan teleefan ku wada hadalnay, wuxuu wadaadku haystay rag akhyaar ah oo culimo ah oo uu ku sheegayay inay yihiin jawaaasiis iyo murtadiin gaalo u shaqaysa. Ragaas culimadda ah waxan ku aqaanaa wanaag iyo in ay ehel u yihiin islaam jacayl iyo gaalo nacayb. Waxan ku idhi sidee ku ogaatay inay yihiin murtadiin gaaladda u shaqaysa, wuxuu yidhi iskadaa wax kalee waxay ku jiraan liiska biilasha dadka ay u qoreen hay’adaha sirdoonka ee waddamada gaaladda.

Waxan idhi sidee ku ogaatay arintaas, wuxuu yidhi nin la yiraahdo C.H oo shaqaale ka ah xafiiska hebel ee ku yaalla magaaladda Nairobi baa biilka siiya.
Taleefan baa ii soo dhacay oo ninkii baan idhi aan kugu soo celiyo telkan muhimka ah aan ka jawaabee, haye buu yidhi. Markaan telkii dhameeyey baan adeer google teleefan u diray waxaana idhi:

Adeer google ma taqaanaa nin la yiraahdo C.H oo xafiiskaas ka shaqeeya, joogana magaaladaas.

Adeer google wuxuu yidhi aa laguu yaqaanaa waana jidhaa ninkaas, waxaan idhi xagee kale buu ka shaqeeyn jiray ninkaasi. Adeer google wuxuu yidhi aa laguu kasaayaa, wuxuu joogi jiray wadamada I iyo P iyo B oo uu ka shaqeeyey ninkaasi.

Ninkii aan saaxiibka ahayn isla markaana qaraabo nahay baan la hadlay, waxan idhi ninkaas aad sheegtay ee C.H xaggee buu ka shaqayn jiray, wuxuu yidhi waa laguu yaqaan, wuxuuna joogijiray wadamada I iyo P iyo B oo uu xillal noocaas ah ka qabtay.

Waxan aad u habay anigoo qofna aan taskiyaynaynin aanse aqoon igu filan u qabay ragga akhyaarta ah oo aan ahayn hal qof balse gaadhayay tobanaan inay wax aqoon ah u lahayn ninka la yiraahdo C.H, waxan kale oo aan ogaa in raggaas qaarkood markay tageen magaaladaas ay ahaayeen rag da’doodu ay kor u dhaaftay 70 sanno, xilli ay gaalo u xeroodaana aanan suurto gal ahayn, soo noqodkoodiina markii aan la xidhiidhay ay ahaayeen dad ku nool nolol aan la odhan karin lacag baa u ah wax lagu farxo, mid ka mida wuxuu igu yidhi adeer dhulka gaaladda isaga imoow ilaahay baa ku arsaaqayee.

Ugu dambayntii, su’aasha aan rabo waa yaa liiska dadka jaajuusiinta ah yaqaana yaase jaajuus ah.

Waxan u daayay ehlu cilmiga iyo ducaadda iga aqoonta badan, laakiin dad badan waxay ku wareeraan liiska jaajuusiinta islaamka in uu qof hayo oo yiraahdo anigaa og cidda lacagta qaadata. Marka suaashaydu waa islaamoow YAA JAAJUUS AH IYO MURTAD AH  ?

Maxamed Ibraahim Cawad Abuuhureyra

Birmingham, United Kingdom
duruus@live.co.uk
FG: Qoraalka waxaa leh cida ku saxiixan

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online