Bayaan ka soo Baxay Golaha Shuurada Al-bayaan Shirkiisii 13aad (Masawiro)

April 6, 2015 - Written by Editor

20150405_165709Johannesburg:-Shalay oo taariikhdu tahay 05/04/2015, waxaa la soo gaba-gabeeyay shirkii 13aad ee Shuurada Golaha Islaamiga Albayaan ee dalka Koonfur Afrika, shirkaasoo la qabto sannadkii mar, ayna isugu yimaadaan xubnaha shuurada ee waddanka oo dhan, ayagoo ka kala yimaada Maraakista hoos yimaada oo dhan.

Golaha waxa uu go’aamiyaa istiraajiyadda dacwo, maamul, miisaaniyadeed, iyo siyaasadeedba ee uu goluhu ku maamuli lahaa habsami u socodka shaqooyinka maalinlaha ah ee ay maraakistu qabtaan, ayadoo sannad walba la isu diro shaqooyin cayiman iyo kuwii hore u socday, qolo walbana laga dhagaysto warbixinaha wax-qabadkooda ee sannadkii tagay.

Golaha shuuradu waxay kaloo qiimaysaa dacwada, manhajka tacliinta ee madaarista iyo Iskuuladaba, ayadoo siisa xubnaha iyo maraakistaba talooyin ku aaddan shaqooyinkooda.

no images were found

Qodobada sannadkan shirka ka soo baxay waxay ahaayeen.

  1. Horumarinta dacwada, tacliinta, iyo tayaynta ducaadda
  2. Horumarinta maraakista iyo abaabulidda dhisiddooda
  3. Qabashada tartanka Quraanka kariimka ee saddexaad ee 2015
  4. Waxaa la magacaabay guddi ka kooban saddex qof oo maamuli doona mu’tamarka sannadka 2015/2016
  5. Taabba gelinta tababarokhuseeya hawlaha Golaha Albayaan, tayaynta macalimiinta, hawl-wadeenada xafiisyada ee faracyada iyo maraakistaba.

Shirkan wuxuu ku soo gaba-gaboobay bayaan ay soo saareen goluhu kaasoo qodobadan hoose:

  1. Goluhu wuxuu uu dardaarmayaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in Alle ka cabsadaan, isla mar ahaantaana isaga kaliya isku xidhaan, baahiyahoodana isaga uun u sheegtaan
  2. In bulshadu ay noqoto mid ku bahoowda isla markaana ku dadaasha midnimada, isugu kaalmaynta wanaagga, iyo inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyaga kala geeya
  3. In bulshada Soomaaliyeed ee ku nool waddankan Koonfur Aafrika ay Alle ka cabsadaan, tawbad keenaan, is dulminta iyo dilka iska daayaan qorshaysan iska daayaan
  4. In bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ay iska caabiyaan kana hor tagaan anshax xumo kasta oo uga imaanaysa dadkooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan.

Majliska Albayaan
Koonfur Afrika
Johannesburg

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online