Culimo ka socota Raabidatul wafaa (رابطه االوفا)oo booqday Idaacadda Al-xikma ee Garoowe

April 5, 2015 - Written by Editor

raabidaGaroowe:-Waxaa xalay oo taariikh du kubeegan tahay 03/04/2015 Xafiiska Idaacadda Al-xikma Iyo warqabadka Halgan.net ee Garowe Soo booqday Culimo ka socota Raabidatul wafaa (رابطه االوفا) Culimadaan oo idaacada Al-Xikma ku martiqaaday in ay Culimadaani ay ku yeelato muxaadaraad joogta ah waxayna galeen caawa Muxaadaradii 1aad waxaana Ciwaankeedu ahaa (الاخلاق).

Muxaadarada ayaa waxaa soo jeedshay qaybteedii hore Sh. Faarax Cabdi Maxamed , sheekha ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay qofku in uu yeesho Akhlaaq wanaagsan sheekha ayaa soo qaatay Nusuus ka hadlaysa Akhlaaqda iyo qiimaha ay leedahay waxaana sheekh Faarax ugu danbayntii bulshada qaybaheeda kaladuwan ugu baaqay in la noqdo dad ay ka muuqato Akhlaaq wanaag maadaama aynu nahay dad muslimiin ah .

Muxaadarada qaybteeda labaad waxaa soo jeedshay Sh C/laahi Siciid Axmed waxaana Sheekhu aad ugu dheeraaday baahida maantay bulshadeenu u qabto dhaqan wanaaga iyo waxaana sheekhu muhiim ku sheegay in bulshadeenu barato danaha bulshada ka dhaxaysa sida in laga wadashaqeeyo danaha guud .

Waxaana sheekhu ka digay dhaqan xumada ku soo badanaya labiska da,yarta kuwaas oo aad moodo wixii xumaa in ay u arkaan wanaag. Kulankaan oo ah kii 1aad ayaa waxaa uu noqonayaa mid todobaadle ah oo isbuuc walba aad ka dhagaysan doon taan Radio Alxikma Iyo Radio Halgan.

Halgan.net. Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online