Madaxda maamulada Soomaaliya oo beri ku wajahan magaalada Garowe
April 28, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegay in maalinta beri la filayo wufuud ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud , Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan , Madaxweynaha Koonfurta Shariif Xassan.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka furmi doona shir wada tashi oo socon doona 2 maalin waxaan shirka ka soo qayb geli doono Dowladda Federaalka Soomaaliya , Maamulka Jubaland, Maamulka Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Shirka wada tashiga ee ka dhici doona magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah o ay ka mid yihiin Hiigsiga 2016 , Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya ,maamul u samaynta Gobollada dalka.
Shirka wada tashiga ee ay ku yeelanayaan madaxda maamulada dalka Soomaaliya ay ku yeelanayaan Garoowe ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu furay shir ka socda degmada Cadaado oo maamul looga dhisayo gobollada dhexe.
M_M_Deeq
Halgan.net