Madaxda Maamulka Jubaland iyo Koonfur galbeed oo ku sii jeeda Garoowe

April 29, 2015 - Written by Editor

plGaroowe:-Waxaa saaka Magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland laga sugayaa in ay soo gaaraan labo wafdi oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Madax weynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socda diyaar garow xooggan oo lagu soo dhaweynayo masuuliyiintaa Maamulka Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan lagu arkayaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ku sugan.

Socdaalka ay ku imaanayaan madaxweynayaasha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Madax weynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sh.Aadan ayaa ku soo beegmaysa xili shalay uu magaalada Garoowe si weyn loogu soo dhaweeyey madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhici doona shir wada tashi wajigiisii labaad oo loogana hadli doono Hiigsiga 2016, arrimaha Federaalka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dalka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online