Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo furey kal-fadhiga barlamanka DFS (Masawiro)
April 27, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah furey kal-fadhiga lixaad ee barlamanka DFS waxaana munaasabada lagu furay ka soo qeyb galay Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ,Gudoomiyaha Baarlamaanka ,xeer ilaaliyaha guud iyo hanti-dhowraha qaranka iyo gudoomiyaha Maxkamada sare.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeedshay golaha baarlamaanka DFS kula dardaarmey xildhibaannada iyo masuuliyiinta DFS in ay xil iska saaraan danta guud ee dalka iyo dadweynaha ay matalayaan.
Madaxweynaha DFS ayaa wuxuu ka codsaday barlamanka DFS inay dedejiyaan ka doodista iyo ansixinta shuruucda la xiriirta doorashooyinka iyo dhismaha maamul goboleedyada dalka ka hirgalaya .
Waxaa sidoo kale khudbad kooban ka jeediyey kalfadhiga baarlamaanka maanta Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke wuxuuna si kooban waxqabadka xukuumadiisa iyo safarradii uu dalka dibadiisa ku tagay .
Ra’isal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa ka sheegay baarlamaanka in dowlada Kenya ay kala hadleen xanibaada xawaaladaha iyo qorshaha dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida wuxuuna sheegay in is afgarad laga gaarey .
no images were found
Baarlamaanka DFS ayaa waxaa hor yaal ajandooyin kala duwan oo laga doonayo in ay ka doodaan gaar ahaan higsiga 2016,xeerka doorashooyinka,kan axsaabta iyo la dagaalanka waxay ugu yeeraan argagixisada.
A/Cawale
Halgan.net