Madaxweyne Gaas oo la kulmay Madaxa iskaashiga Midowga Yurub Mss.Daria Fane
April 13, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa iskaashiga Midowga Yurub Mss.Daria Fane.
Kullan gaar ah oo madaxweyne Gaas la qaatay Mss.Daria Fane ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta Xiriirka Puntland iyo midowga yurub, mashaariicda horumarineed ee midowga yurub kawadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa u sheegay Madaxa iskaashiga Midowga Yurub Mss.Daria inay muhiim tahay kordhinta mashaariicda ay ka fuliyaan Puntland , si adeegoodu uwada gaaro guud ahaan shacabka reer Puntland.
Mss.Daria Fane ayaa balan qaaday in Midowga Yurub ay ka go’antahay in ay sii laba jibaaraan mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan gudaha Puntland, waxaana ay madaxweynaha ku amaantay dadaalka horumarineed ee uu kawado Puntland iyo guulaha laga gaaray urur diimeedka Al-shabaab.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan sidii uu beesha caalamka iyo daneeyayaasha Puntland ugu bandhigi lahaa horumarka iyo nabad-gelyada kajirta Puntland si ay ugu dhiiradaan in dalka ay ka hirgeliyaan mashaariic horumarineed oo ay ka faa’iidaysanayaan shacabka reer Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.