Madaxweyne Puntland oo ka qeyb-galay aas-qaran oo loo sameeyey marwadii Madaxweynihii hore ee Puntland Aamino Abiib.[Masawiro]

April 9, 2015 - Written by Editor

7Garoowe:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 9-4-2015 ka qeyb-galay aas-qaran oo qabuuraha magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland loogu sameeyey Alle ha unaxariiste marwadii Dr.Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihihii hore ee Puntland Marxuumad Aamino Abiib.

Aaska qaran ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire,Wasiiro iyo xildhibaano katirsan dawladda Punttland, Madaxweyne ku xigeenki hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire, Isimo, waxgarad, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeryootay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

” Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Ilaahay waxaan ka rajaynayaa meesha ay joogtay meel ka kheyr badan in uu geeyo intii ay ka dhimatayna ka samir siiyo ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa marxuumad Aamino Abiib Alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo qabrigana uu u waasicyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire ayaa sidookale isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumada, waxaana uu alle uga baryey in dambigeeda uu dhaafo, meel wanaagsan oo aduunka uga kheyr roona uu geeyo.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online