Mashruuca Badbaadinta Soomaalida Koonfur Afrika W/Q.Mohamed Aadan Abdille
April 14, 2015 - Written by EditorHORUDHAC:-Marka badbaadin la sheego koonfur afrika soomaalida waxaa dhici karto dadka badankood in niyadooda ay ku soo dhacdo dilka ka jira wadanka koonfur afrika ee soomaalida.
Waa sax dil ayaa ka jiray walina waa ka jiraa lagu haayo soomaalida iyo ajaanibta kale ee wadankaa joogta, in laga hadlo oo wax laga qorona mudan laakiin hada waxaan u dan leeyahay waa ka duwan yahay dilka jiri jiray amaba hada jira ee ugu yaraan bishii kaste dhaca mar ama wax ka badan.
Qoraalkan waxaa uu ka hadli doonaa arin kale oo ayadana muhim ah, waxaana weeye ganacsiga iyo ku noolaanshaha soomaalida koonfur afrika oo u muuqato mid sii yaraanayso.
MUHIMIDA KOONFUR AFRIKA
Wadanka koonfur afrika waa wadanka ugu horumarsan qaarada afrika, waana wadanka ugu kaabo dhaqaale fiican qaarada afrika iyo waliba wadamo badan oo caalamka ka mid ah, koonfur afrika waxaa uu ku jiraa 20ka wadan ee ugu dhaqaalo fiican aduunka, waana wadanka ugu warshado badan qaarada afrika iyo wadamo badan oo aduunka ka mid ah.
SOO DHAWAYNTA SOOMAALIDA WADANKA KOONFUR AFRIKA
Wadankan aan soo xusnay waxaa uu ka mid yahay wadamada soomaalida ay u soo hijrootay burburkii dalka ka dib, soomaalida waxay soo gashay koonfur afrika dhamaanshihii midabtakoorka ka dib oo ku beegneed 1994tii, inkastoo ay jirtay soomaali ka soo horaysay laakiin waxay ahaayeen tiro aad u yar, soomaalida waxaa la sheegaa in ay gaareen tiro ilaa 80kun oo qof wax ka badan sanadihii 2008dii ilaa 2010kii, wadanka koofur afrika sanadahaa waxaa uu gaaray wadanka ugu soo lacag dirida badan dhulka soomaalida ay degto ee bariga afrika ha ahaado soomaaliya,Kenya, ama itoobiya.
HAB NOLOLEEDKA SOOMAALIDA KOONFUR AFRIKA KU NOOL
Dadka soomaalida ee ku sugnaa xiligaa koofur afrika sida la wariyo ma jirin qof aan lacag ugu yaraan hal mar bishii dirin, dadka badankoodna mar wax ka badan ayay bishii diri jireen, soomaalida ku dhaqan koonfur afrika badankood waxay ahaayeen ganacsato ama shaqaale, dadka shaqo la,aanta ah aad ayay u yaraayeen ama waxaa la dhihi karaa maba jirinba.
SOO DHAWAYNTA AY SOOMALIDA AY KA HELAAN DOWLADA KOONFUR AFRIKA
Somaalida markay soo gasho koonfur afrika wax badan oo soo dhawayn ah ayay dowlada u sameeysaa iyo fursado kale oo soomalida macno u leh.
1: xaga sharciyada: oo sharci uu wadanka ku joogo kuna shaqeesan karo, kuna ganacsan karo, kuna wax baran karo, ayaa markuu imaadaba soomaalida ay heli jireen ama ay helaan.
2: xaga ganacsiga: soomaalida waxay xaq u yeelan kartaa in ganacsi nooc kaste oo ay doonaan in ay bilabaan wadanka meesha ay doonaan iyo marka ay doonaan, arintaa oo meel laga helo aduunka aysan jirin
3: wadanka oo ay degan yihiin muslimiin aan tiro badneen laakiin tayo badan xaga dhaqaalaha, xaga aqoonta, iyo xaga ixtiraamka ay ku haystaan muujinta shacaa,irta diintooda, muslimiintaa oo u badan hindi yimid dhoor boqol sano ka hor ayaa waxaa ay ka mid yihiin mujtamacyada qaarada afrika kuwooda ugu dhaqaalaha badan, waxayna si kaste u anfaceen wadankii ay ka soo jeedeen ee hindiya iyo dhamaan muslimiinta caalamka, sida falastiin, suuriya, xataa anaga soomaalida dalkeena wax badan oo gargaar iyo horumarinba way ka fuliyaan sanadihii u danbeeyay, waana tusaale soomaalida ku dayasho u ah si ay fursadaa wadankan uga faa,iidaan, ayagoo kaalmo ka helaayo waalaalahooda muslimka ah wax dhib ahna dowlada kala kulmaynin. oo wadanka magaalo kaste oo ka mid ah ama tuulo kaste oo ka mid ah waxaad ka helaysaa masaajido, tusaale garoonka caalamiga ah ee O.R.TAMBO AIRPORT, oo ku yaalo magaalada Johannesburg waxaa ku yaalo labo masjid, ayadoo aan ognahay wadamo badan oo muslimka kala bar ka badan yahay aan fursadaa ka jirin, arintaana waa arin kale oo qofka soomaaliga ah u wanaagsan maadama aan muslim nahay.
4: wadankan koofur afrika oo qofna laga laheen, ahoow qof ku cusub ama qof horay u joogay waxaad xaq u leedahay in aad waxaad doontid aad samaysid oo uu sharciga kuu ogolyahay, sida ganacsi, deegaameen, waxbarasho, muujin shacaa,irtaada diimeed iyo xataa ku dhaqan shareecada islmaamka xukun ahaan wax badan oo ka mid ah oo aan laga helaynin wadamo badan oo muslimka u badan yahay ama ku badanyahay, tusaale DR ALI MOHAMED SALAH oo ka mid ahaa culimadii lagu marti qaaday shiwaynihii diiniga ahaa sanadkan bilowgiisa ku qabsoomay koonfur afrika, waxaa uu aad ula yaabay in diyaaradaha wadaadada ay ku raacaan qamiisyada wax fiirin, cuqdad, iyo cabsina laga qabin oo waliba lagu ixtiraamaayo markii aad qamiiska wadatid, halka yurub oo uu sheekha ka yimid ay dhici karto hadii aad qamiis qabtid in qof kaste uu ku soo fiirsho oo lagula yaabo ama lagaa baqaba markii diyaarada aad ku raacdo inkastoo lagu raaci karo.
GANACSIGA SOOMAALIDA
Soomaalida dalka koonfur afrika waxay ka sameeysay maal fara badan oo ka badan biil la diro, oo meelo badan oo ka mid ah dhulka soomaalida degto lagu maalgeliyay, waxaa soomalida loo aaminay inay yihiin dad ganacsiga ku guulaystay oo horumar badan ka sameeyay, heer itoobiyaanka, pakistanka, iyo bangaladeshka oo wadanka soo gelitaankiisa aad nooga danbeeyay loo yaqaanay soomaali.
waxaa soo koray ciyalkii soomalida ahaa ee ku dhashay wadanka ama la keenay ayagoo yaryar, waxay bilaabeen tacliimta hoose ilaa ay gaareen heer jaamcadeed, soomaalida waxay dageen magaalooyinka waawayn ee dalka sida Johannesburg, capetown, port elizabeth, Pretoria, Rustenburg, Durban, iyo in ka badan 20 magaalo oo dhex dhexaad iska ah ama ah magaalooyin yar yar.
Jaaliyada soomaalida waxay ka aasaastay maraakiz islaami ah oo ku baxay lacag kumanaan dolar ah oo leh masaajido, madaaris, iyo meelo kale oo lagu cibaadaysto
Waxay abaabushay jaaliyada soomaalida ee koonfur afrika shirar dimeed balaaran oo lagu martiqaaday qaar ka mid ah culimada ugu caansan soomaalida iyo aqoon yahano kale, shirarkaa oo la gaarsiin jiray ama la gaarsiiyo dhamaan gobolada oo dhan.
Wadankan koonfur afrika iyo meelaha kale ee yurubta iyo waqooyiga ameerika ee soomaalida u qaxday waxyaabaha uu kaga fiicanyahay waxaa ka mid ah ayadoo jaaliyada soomaalida ee koonfur afrika ay ku tiirsantahay waxa ay shaqeestaan ama ganacsadaan, ayagoo u aayay ganacsigooda, ka sakoow naftooda anafacay dadkii ehelka u ahaa ee ku noolaa dalkii soomaaliya iyo dhamaan dhulka kale ee somaalida degto.
Diktoor daarood oo ka mid ah dhaqaatiirta caanka ah ee soomaalida ee ka shaqeeya Johannesburg oo wadankana joogay wax ka badan 30 sanadood ayaa waxaa uu yiri (aduunka ma jiro wadan nin dhalin yaro ah uu soo galaayo asagoo waxba haysan oo helaayo sharci, ganacsi balaaran, gaari mudo ka yar sanad, uuna noqonaayo nin maal qabeen ah oo wayn koonfur afrika ma ahee meel kale kama jiro oo aduunka ah)
Waa sidaa dhaktarka uu sheegay waa fursad u gaar ah koonfur afrika oo dad badan oo soomaali ah ay ka faa,iidaysteen.
MAXAA ISKA BEDELAY SOOMAALIDII?
Wadankii sidaa ahaa laga soo bilaabo 2012kii waxaa ku soo kordhay soomaalida barakac iyo dumin dhaqaalihii balaarnaa ay haysteen iyo waliba baabi,in fursadihii ay sameeyeen, ayagoo waliba wax bedel ah oo dalkii ah ama dalalka kale ay aadayaan ah aysan jirin.
Waxay bilaaben soomaalida gaar ahaan dhalinyaradii maalka soo saaraysay in ay u tahriibaan yurub iyo waqooyiga ameerika, waxay bilaabeen in soomaalida ay iska diwaan geliyaan UN ka dibna dib u dajin ay ka codsadaan wadamada reer galbeedka qaar ka mid ah oo aad moodid si ku talagal ah in aad loo qaado oo codsiyadoodaas la fuliyo wax badan oo ka mid ah.
Waxaana asal u ah cudurka soomaalida ay qabto ee ah in wax ka maqan yihiin inta aysanba gaarin galbeedka, hadii la rabo ha haysto shaqo fiican ama ganacsi fiican marba hadii uusan joogin mareekanka, canada, yurub, ama Australia, wali janadii ma gaarin, caqligaa oo qofka soomaaliga uusan ka buskoonaynin ilaa uu meeelahaa ka tago oo uu xaqiiqda arko mar uu dhumiyay fursadii uu haystay.
Waxaa bilaabmay in soomaalida dukaamadii tartiib tartiib looga iibsado gaar ahaan itoobiyaanka, arintaa oo ah arinta ugu wayn ee sababtay in soomaalida ay ka barakacdo koonfur afrika, ma jiri jirin dukaamada in iib lacag badan ah lagu helo markii hore, laakiin sanadihii ugu danbeeyay waxaa lacago badan u sheega soomaalida dukaamadoodii itoobiyaanka oo kala wareega.
Tiro koob aan rasmi ahayn ayaa waxaa uu sheegaayaa in soomaalida dukaamadoodii ay lahaayeen kala bar ka badan ay ka iibiyeen itoobiyanka sedexdii sano ee ugu danbaysay.
Itoobiyaanka oo ah qowmiyada sida wayn soomaalida uga macaashto oo kala wareegtay ganacsigii koonfur afrika ayaa aad ula yaabtay soomaalida, oo waxaa laga sheegaa in ay tiri soomaalida xagay u socdaan? Waxaan wax ka fiican miyaay ogyihiin? oo itoobiyaanka aad ayay ula yaabeen soomaalida oo ay uga faa,iideen.
Waxaa kaloo itoobiyaanka laga soo wariyaa (soomaalida 2016ka anaga ayay shaqaale noo noqonaayaan) ka dib markay arkeen sida ay dukaamada iyo ganacsigooda ay isaga iibinaayaan waliba ay mudo yar ka dibna ay u baabi,inaayaan lacagtii cadaanka ahayd ee dukaanka ay ku gateen.
Arintaa ganacsi burburinta ay ku kaceen jaaliyada soomaalida waxaa ka dhashay dhibaatooyin waawayn sida:
1: in soomaalida ay dhaqaalo beesho ayagoo wali wadankiiba aan ka bixin
2: in dhalinyaradii dukaamadaa lahaa ee lacagtii iska baabi,iyay ama ka shaqaynaayay dukaankii laga gaday itoobiyanka in ay tuuganimo, burcadnimo, iyo daroogo ay bartaan waliba aad u baahday, ayagoo bilaabay dhalinyaradii soomaalida in ay boobaan, Dhacaan, hanti badan oo soomaalida ay leedahay iyo waliba dad aan soomaali ahayn.
no images were found
Dabcan waa jiraa duruufo ku qasbaayo dadka soomaalida in ay ka tagaan koonfur afrika oo ay ka mid tahay dhaca iyo dilka, laakiin dadkan faraha badan ee soomaalida ah ee hantidooda xaraashaaya ma ahan sababta ay u baabi,inaayaan in ay ka caraarayaan duruufahaa ee waa galbeed jaceel iyo istaraatijiyad xumo iyo ka fiirsi la,aan ilaa heer hada ay marayso in lagu baraarugay in fursadii wayneed ee soomaalida ku haysteen koonfur afrika in ay soo baaba,ayso.
GUNAANAD:
Qoraalkan ma ahan qoraal dhamaystiran oo wax badan oo macluumaad ah iyo natiijooyinba soo gudbinaayo laakiin waxaa uu bidhaaminaayaa dhibkaa aan soo sheegay, waxaana aan ugu talagalay oo kaliya in dadka wax garadka ah ee soomaalida ah ee degan koonfur afrika ee u muuqato dhibaatadaa in aan u bilaabo in si cilmiyaysan looga hadlo ama loo qoro arinkaan, si marka xigtana xal looga gaaro in jaaliyadii ugu balaarneed ee lacagta ugu badan u soo diri jirtay dadkanaga soomaalida sidaa ku baa,ado macno la,aan.
Waxaana hubaa in aqoonyahano farabadan iyo culimo badan iyo dad badan oo wax qora oo ku sugan koonfur afrika ay soo jiidan doonto qoraalkan ka dibna mashruucan aan u bixiyay badbadada soomalida koonfur afrika ay sii socod siin doonaan.
Waxaa kaloo jira rag bahda qalinleyda ah oo aan ku sugneen koonfur afrika, laakiin xog badan ka haayo koonfur afrika oo in badan ku soo noq noqday oo waliba mashaariic farabadan oo danta guud ah ka sameeyay jaaliyada soomaalida oo khibrad badana u leh jaaliyada soomaalida koonfur afrika iyo jaaliyadaha kale ee caalamka ku kala firirsan ee soomaalida ah, in ay ku bixin doonto in ay wax badan ka ogaadaan xaaladan aan ka waramaayo ka dibna ay ku bixin doonto in ay soo booqdaan si ay wax uga qoraan arinkaan ugana qayb qaataan xalinteeda, arinkaan oo aan u arko in uu yahay arin aad u wayn oo mudan in baaritaankiisa la bilaabo, ragaana waxaa ka mid ah sheekh maxamed idriis oo ah shakhsiga u badan ee waqtiga ugu badan ku bixiyay soo booqaashada jaaliyada iyo ka kaalmaynta mashaariic badan oo jaaliyada soomaalida koonfur afrika ay ku guulaysteen.
Ugu danbaystii walaalayaal waxaan arkaa in arinkan aan bilaabay oo aan hubo in aan sidii habooneed ee la rabay aan uga hadlin in lagu soo dhawaado oo ugu danbaystiina aan wax ka qabano anagoo allah kaalmaysanayno.
WABILLAHI TOWFIIQ.
WAXAA DIYAARIYAY
MOHAMED AADAN ABDILE
ibnuaadam15@gmail.com