Maxkamada derajada 1aad ee DFS oo xukun ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab
April 15, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamada derajada 1aad ee ciidamada DFS ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi sanado ah ku ridey xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Amniyaadka kooxda Al-Shabaab. Eedeysanayaasha ayaa gaaraya 7 eedeysane waxaana loo heystaa in ay amni xumo ka wadeen magaalada Muqdisho.
G/sare Xasan C/raxmaan Aadan Kaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka ee DFS ayaa sheegay in ay cadaymo iyo markhaatiyaal iyo Qiraal ka heyso dhalinyarada maanta maxkamada la keenay.
Kaaliyaha Maxkamada ciidamada qalabka ee DFS ayaa ku dhawaaqay xukunka kala duwan oo ay derajada 1aad ee ciidamada DFS ku riday eedeysanayaasha waxayna kala yihiin.
1-Maxamed Xasan Cali -5 sano
2-Maxamed Deeq C/qaadir Fiidow 6 sano.
3-C/raxmaan Mukhtaar Caamir 10 sano.
4-C/raxmaan Axmed Faarax.10 sano.
5-C/laahi Xirsi Maxamed.5 sano
6-C/raxmaan Aadan Caynte 5 sano.
7-Maxamed Cabdi Yuusuf 5sano.
A/Cawale
Halgan.net