Militariga Nigeria oo sheegaý in soo badbaadsheen 293 gabdho oo u Afduubnaa Boko Haram.

April 29, 2015 - Written by Editor

dumarNigeria:-Warbaahinta dalka Nigeria ayaa shaaciyey in ciidanka Militariga dalka Nigeria ay soo badbaadiyeen  in kabadan293 haween kuwaas oo ay afduub u heysteen kooxda  Boko Haram  Waqooyiga bari dalka Nigeria.

Ciidanka kooxda Boko Haram  ee dalka Nigeria ayaa dumarka ay afduubeen waxay ku heysteen   keymaha  Sambisa waxaana dagaal ku qaaday ciidanka  dalka Nigeria oo adeegsanaya Diyaarado kuwa dagaalka ah.

Kooxda  Boko Haram  ee dalka Nigeria ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2014 waxay ka afduubeen deegaanka  Chibok in ka badan 200 oo gabdhood iyaga oo ugu baaqay dowlada dalka  Nigeria in ay sii dayaan maxaabiis ka xiran kooxda  Boko Haram.

Afhayeen u hadlay ciidanka Militariga dalka Nigeria  Colonel Sani Usman Kuka-sheka ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Boko Haram  ayna wadaan sidii loo badbaadin lahaa dadka  wili ku harsan gacnta  kooxda Boko Haram  .

Afhayeenka ciidamada Nigeria, Colonel Sani Usman Kuka-sheka, ayaa sidoo kale ku faanay in ay cagta mariyeen seddax xero oo ay ku sugnaayeen  kooxda  Boko Haram  .

Ilaa haatan ma cadeeyn Afhayeenka ciidamada Nigeria, Colonel Sani Usman Kuka-sheka in gabdhaha ay soo furteen ay yihiin gabdhihii sanadkii hore ay afduubeen kooxda Boko Haram  .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online