Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka DFS oo dalka dib ugu soo laabtay (Masawiro)

April 29, 2015 - Written by Editor

IMG_2852 (1)Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu kasoo bogsaday dhaawac kasoo gaaray falkii argagixiso ee kooxda nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central 20-ka bishii February ee sanadkan,  waxana kusoo dhaweeyay garoonka Muqdisho xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Soo dhaweynta kadib. Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa kulan soo dhaweyn ah wuxuu la qaatay shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxaana halkaas ka hadlay Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin iney soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo mudo laba bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Mudane Carte, ayaa mahadcelin kadib, xusay xili walba inuu u taagan yahay dhismaha qaran Soomaaliyeed, mar walbana ay dhibaatooyin noocan oo kala ah dhici karaan marka lagu jiro dhismaha dowladnimada.

“Waxaan maanta idin ogeysiinayaa in aan dalkaygii hooyo ku soo laabtay anigoo in muddo ah ugu  maqnaa dalka dibeddiisa arrimo caafimaad. Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Ilaahay oo caafimaad i siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka oo intaas ku daray.

Sidoo kale, ku xigeenka RW ayaa  shacabka Soomaaliyed uga mahad celiyey dareenkooda ku dheehen wadaniyada iyo  sida ay ula soo xiriir jireen markasta si ay wax uga ogadaan xaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegayaa in xaaladiisa   caafimaad ay tahay mid wanaagsan, maanta laga bilaabana shaqadii uu qaranka ugu dhaartay uu halkeedii ka sii wadi doono.

—DHAMAAD–
Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdihso, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online