Warar dheeraad ah oo ka soo baxay Shaqaalaha UN-ka ee wax ku noqday Qaraxii Garoowe
April 20, 2015 - Written by EditorGaroowe:-War faahfaahsan oo soo gaaray Halgan.net ayaa waxaa uu sheegayaa in shaqaalihii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxi lala eegtay gaari hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha ee UNICEF. Qarax ayaa waxaa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn Dhismaha xarunta Un-ka ee magaalada Garoowe, shaqaalaha ku dhintay weerarka oo tiradoodu gaarayso 4 ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan dalalka kala ah, Hal Ugandiis ah, labo Kenyaan ah iyo mid Afghanistan ah iyo 2 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland SPU.
Dhinac kale shaqaalaha ku dhaawacmay qaraxii saaka ee ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha ee UNICEF ayaa waxaa ay asalkooda ka soo jeedaan dalalka kala ah, Uganda, Sierra Leone, USA, Kenya, Somali iyo 2 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland.
Weerarka saaka ka dhacay Garoowe ayaa waxaa sheegtay in ay fuliyeen ururka Al-shabaab
M_M_Deeq
Halgan.net