Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay da’yar diblomaasiyiin lagu tababari doono Kenya .
April 26, 2015 - Written by EditorMogadisho:-Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” ayaa maanta ku sagootiyay Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Muqdisho illaa iyo 9 shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda oo loo tababarayo habmaamuuska iyo diblomaasiyadda .
Tababarka oo ay ku deeqday dowladda Kenya, kana socon doona muddo 10 cisho ah Magaalada Mombasa ayaa la filayaa in da’yarta diblomaasiyiinta ka tirsan Wasaaradda ay ka faa’ideysan doonaan casharada iyo tilmaamaha la siin doono .
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa uga mahad-celiyay dowladda Kenya deeqda tababarkaasi , isagoo rajeeyay in tababaro kale oo diblomaasiyadeed ay Wasaaradiisa ka heli doonto dowlado iyo Ururo caalami ah .
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku howlan dardar-gelinta habsami u socodka shaqada diblomaasiyadeed, tayeynta iyo sare u qaadida heerka aqoon ee diblomaasiyiinteeda, taasoo horumarin doonta waxqabadka Wasaaradda.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations