Xaflada Tartan diineedka dugsiyada sare ee boorame oo la soo afmeeray (Masawiro)
April 27, 2015 - Written by EditorBoorama:-Munaasabad balaadhan oo lagu soo afmeerayay Tartanka Dugsiyada Sare ee Degmada Boorama oo dhinaca diiniga ah ayna soo wadeen qabashadiisa Ururka dhalinyarada Somaliland ee Gobolka Awdal Ee Badbaado ayaa lagu qabtay Hanuuninta dhexe Ee Magaaladaas.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Culumawadiin, Aqoonyahano, Arday,Ganacsato, iyo mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaraddaha Dhalinta iyo Awqaafta Somaliland Ee Gobolka Awdal.
Xafladan oo uu furay gudoomiyaha ururka badbaado musane axmed ibraahim maxamed ayaa ka waramay mudada ururka uu shaqaynaayay iyo waxyaabaha u qabsoomay shaqada ay hayaan iyo dhamaan bulsha waynta iyo marti sharaftama baaq u diray in ay dhalintaa dacwada u kacday la shaqeeyaan
Gabogabadii tartankan ayaa waxaa isku soo hadhay Dugsiyada Sare ee Ubaya Iyo Cumar Binu Khadaab ardaydii ku tartamaysay Axaadiista iyo tarbiyada Islaamka waxa ayna natiijadaasi ku soo dhamaatay Barbardhac ay is mari waayeen waxaana guddidii qaban qaabada tartankani ku go’aamiyeen maadaama la kala bixi waayay in ay natiijada ka dhigaan mid barbar dhac oo labada Dugsiba sidaas kaalinta koowaad ku galaan.
no images were found
Dhanka kale waxaa iyagna halkaas kaalinta koowaad ee gabdhaha tartanka dhinaca xifdiga Quraanka kariimka ku guulaysatay Gabadh ka socotay Dugsiga Sare Ee Cumar Binu Khadaab oo magaceeda la yidhaahdo Ayaan Mahdi Cabdi,waxaa sidoo kale dhinaca inamada xifdiga Quraanka kariimka ku guulaystay Wiil ka socday Dugsiga Sare Ee Al-Nuur.
Ugu Danbayn waxaa halkaas hadalo mahadnaq u badan ka soo jeediyay Maamulada culimada ay ka mid yihiin SH QAARI SH XUSEEN NUUR QALINLE SH XASAN KHAYRE DIRIR IYO SH MAXAMED CABDI XASAN SHEEKH SHIINE MAAMULKA DUGSIGA SARE EE CUMAR C/wahaab C/laahi Aadam Iyo MAAMULKA DUGSIYADA Ubaya Binu Ka’ab Mudane C/raxmaan Muuse Tubeec,Aqoonyahano,Culumawadiin,Mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Dhalinta Iyo Diinta Iyo Awqaafta iyo marti sharaf kale waxa ayna dhalintan BARNAAMUJKAN Tartanka soo qabatay ku bogaadiyeen sida wanaagsan ee ay u soo wadeen una soo gabogabeeyeen.
Si kastaba ha ahaatee Tartankan oo noqonaya kii ugu horeeyay noociisa oo kale ee loo qabto dugsiyada Sare Ee Degmada Boorama laguna tartamayay Culuuumta Diinta Islaamka ayaa waxaa sidoo kale ku guulaystay qaybta xiftinta axaadiista dugsiga sare ee ubaya halka dugsiga sare ee alnour laalinta labaad ka galay,
Ururka dhalinyarada Badbaado
Boorame
S/land