Barnaamij Maamul Daadejinta 4 xaafadood oo ka dhacay Degmada Boosaaso
June 13, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka & Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Maxamed Cabirixmaan Dhabancad Oo Magaalada Boosaaso Ka Daahfuray Barnaamijka Maamul Daadejinta Afarta xaafadood ee Degmada Boosaaso.
Daahfurka Barnaamijka Maamul Daadejinta Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso waxaa wasiirka Ku wehlinayey Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Wasiiro ka tirsan Puntland, Maamulka Gobalka Bari, Maamulka Degmada Degmada Boosaaso, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Barri, Iyo Qeybaha kale duwan ee bulshada Degmada Boosaaso.
Ugu danbeyntii Wasiirka iyo masuuliyiinta ayaa soo Daahfuray xafiisyada Maamul Daadejinta Afarta Xaafadooda wuxuu Wasiirka Kormeer ku sameeyey qeybaha kale duwan ee Xarumaha Afarta xaafadood.
no images were found
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA&DIMUQRAADIYENTA DPL.