Wasiirka Amniga iyo DDR Dawladda PL oo xariga ka jiray xafiiska ururka Kaah
June 12, 2020 - Written by EditorCarmo:-Wasiirka Amniga iyo DDR Dawladda Puntand mudane Abdisamad Maxamed Gallan ayaa xariga ka jaray xafiiska Urur siyaasadeedka KAAH ee Degmada Carmo.
Munaasabadda oo ahayd mid balaaran ayaa waxaa goob joog ahaa maamulka degmada, kan gobolka Bari, odayaasha dhaqanka, iyo shacabweyne faro badan oo kamid ah taageerayaasha Ururka.
Furitaankii kadib ayaa dadweyne tiro badan iska diiwaan galiyeen Ururka Guulna u rajeeyey hayaankiisa siyaasadeed.
Xafiiska Wacyigalinta iyo warfaafinta Wasaaradda Amniga iyo DDR Dawladda Puntland.