Wasiirka Arrimaha Gudaha PL oo daahfuray Shirkada Nabadaynta Galbeedka Gobolka Mudug Wajigiisii 2aad.
June 29, 2020 - Written by EditorGaldogob:-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa Magaalada Galdogob ku daah furay Shirkada Nabadaynta Galbeedka Gobolka Mudug Wajigiisii 2aad.
Daahfurka Shirka Nabaddeynta Galbeedka Gobalka Mudug, waxaa wasiirka ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarda Arrimaha Gudaha DPL, Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiirka Macdanta Galmudug, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland, Wasiir Dawlaha Shaqa iyo shaqaalaha Puntland, Xildhibaano iyo Senetaro ka socday DFS, Xildhibaano ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, Agaasimaha Waaxda Dib-hishiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland, Gudoomiyaasha Gobolka Mudug, ee Puntaland Iyo Galmudug.
Sidoo kale shirka waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, Nabadoono, Odayal dhaqameed, Dhalinyaro, maamulka degmada bandiiradley, Generaalo, Guurtida shirka Dib uhishiisiinta iskuduwaha Ururada Haweenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka.
Shirweynaha dhib u-heshiisiinta Wajigiisa labaad oo uu maanta Daahfuray Wasiirka Arrimaha Gidaha Dawaladda Puntland, ayaa socon doonah muddo todoba bari, waxaana looga hadli doonaah hirgilinta Qodabadii kasoo baxay wajigii 1aad shirkii ka qabsoomaya Bandiiraley, sidii xalwaara loogu heli lahaa Nabad waartanah loona dhex dhigi lahaa Beelaha Walaalaha ah ee Wada dagah Galbeedka Gobolka Mudug.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DPL.