Wasiirka Arrimaha Gudaha PL oo daahfuray Shirkada Nabadaynta Galbeedka Gobolka Mudug Wajigiisii 2aad.

June 29, 2020 - Written by Editor

Galdogob:-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa Magaalada Galdogob ku daah furay Shirkada Nabadaynta Galbeedka Gobolka Mudug Wajigiisii 2aad.

Daahfurka Shirka Nabaddeynta Galbeedka Gobalka Mudug, waxaa wasiirka ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarda Arrimaha Gudaha DPL, Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiirka Macdanta Galmudug, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland, Wasiir Dawlaha Shaqa iyo shaqaalaha Puntland, Xildhibaano iyo Senetaro ka socday DFS, Xildhibaano ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, Agaasimaha Waaxda Dib-hishiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland, Gudoomiyaasha Gobolka Mudug, ee Puntaland Iyo Galmudug.

Sidoo kale shirka waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, Nabadoono, Odayal dhaqameed, Dhalinyaro, maamulka degmada bandiiradley, Generaalo, Guurtida shirka Dib uhishiisiinta iskuduwaha Ururada Haweenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka.

Shirweynaha dhib u-heshiisiinta Wajigiisa labaad oo uu maanta Daahfuray Wasiirka Arrimaha Gidaha Dawaladda Puntland, ayaa socon doonah muddo todoba bari, waxaana looga hadli doonaah hirgilinta Qodabadii kasoo baxay wajigii 1aad shirkii ka qabsoomaya Bandiiraley, sidii xalwaara loogu heli lahaa Nabad waartanah loona dhex dhigi lahaa Beelaha Walaalaha ah ee Wada dagah Galbeedka Gobolka Mudug.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DPL.

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online