Wasiirka maaliyadda PL iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Qardho
June 10, 2020 - Written by EditorQardho:-Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Booqashada magaalada Qardho ee Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa salka ku haysa hawlo shaqo.
Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kasoo ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda waxaa safarkan ku weheliyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dawladda Puntland