Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo gaaray Degmada Xaafuun
June 15, 2020 - Written by EditorXaafuun:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Maxamed Dhabancad iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray Degmada Xaafuun.
Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, xildhibaan Saleemaan Faarax Ciise oo ka tirsan DPL, xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan DFS, iyo Gudoomiye ku xigeenada Gobalka Bari iyo Karkaar,
Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka ayaa salka ku haya xoojinta Nabadda iyo wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, Arrimaha Hormarinta Degmada,
Dardar gelinta canshuuraha iyo kormeer shaqo oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan xarumaha Dawladda iyo kuwa Arrimaha Bulshada ee Degmada Xaafuun.
Ugu danbeyntii Markii uu soo dhammaaday kormeerka Wasiirka ayaa kulan laqaatay maamulka Degmada Xaafuun, Waxgaradka, iyo Qeybaha Kale Duwan ee Bulshada Degmada Xaafuun ee Gobalka Karkaar.
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DPL.