Hooyo Soomaaliyeed oo laga qaatay canugii sideedaad
August 6, 2020 - Written by EditorSweden:-Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden oo horey looga qaatey toddoba caruur ah oo ay dhashay ayaa shaley laga qaatay canugii sideedaad, saacado un kadib markii ay dhashey.
Hooyo Faadumo Buraanburtooy, ayaa gabadha yar markii umushey waxaa kala wareegay mas’uuliyiinta magaalo ay horey u deganeyd oo ay kasoo guurtay.
Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka teleefonka ee Sweden kula xariirtey Sheekh Xuseen Faarax Warsame, oo ka mid ah culumada Soomaliada ee Sweden, kaasi goob joog u ahaa sida falka qaadashada ilmahan yar uu u dhacay.
VOA Somalia
Halgan.net