Madaxweynaha Gal-Mudug oo caawa la hadlay saxaafadda.[Video]
August 17, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha Gal-Mudug Ahmed Qoor Qoor” oo caawa saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu codsi u jeediyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Abdulaahi Deni in ay ka soo qayb galaan shirka Dhuusamareeb 3 isagoo xusay in ay sugayaan in shirka ay ku soo biiraan.
Madaxweynaha Gal-Mudug Ahmed Qoor Qoor” ayaa walaac ka muujiyey maqnaashaha shirka Dhuusamareeb 3 ee maamulada Puntland iyo Jubbaland ka dib kala shaki soo kala dhex galay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullahi Farmaajo iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo isku khilaafsan qaabka loo riday Ra’iisul wasaare Kheyre iyo nooca doorashadu ka dhacaysa Soomaaliya noqonayso 2020/2021.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha Gal-Mudug Ahmed Qoor Qoor oo caawa la hadlay saxaafadda
A/cawaale
Halgan.net