Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Dhuusamareeb.[Masawiro]

August 15, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug oo maanta uu ka furmi lahaa shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeele ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Qoorqoor waxaan si wada jir ah ay saxafadda kula hadleen guriga Madaxtooyada ee Maamulka Gal-Mudug iyagoona ka hadlay ahmiyadda shirka ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud.

Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa waxaa geeyey magaalada Dhuusamareeb diyaarad Helikabtar ah oo laga leeyahay Qaramada Midoobay, Saacadaha soo socda ama maalinta beri ah aya la filayaa in ay magaalada Dhuusamareeb ay soo gaaraan madaxweynayaasha kale ee dowladda Goboleedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online