Madaxweynaha PL oo lagu soo dhaweeyey degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug.

August 7, 2020 - Written by Editor

Buursaalax:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay, Xaflad soodhoweyn ah oo loogu sameeyay degmada Buursaalax ee Gobolka Mudug.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka hadlay kulanka ayuu Madaxweynuhu si wanaagsan u dhegaystay, talo soojeedintooda iyo baahiyaha ka jira deegaanka u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynaha oo ka jawaabay baahiya dadka deegaanka gaar ahaan in degmadu hesho Gole deegaan iyo dardargelinta Hay’addaha dowliga ah, ayaa ku dhawaaqay in Golaha deegaanka ee degmada sida ugu dhakhso badan loo dhisayo, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu Faray dhammaan Wasaaradaha in Wasaarad kasta ay wakhti yar gudihiis kaga jawaabto baahiya ka jira deegaanka ee ay iyada khuseeya.

Xafladda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne ku-xigeenkii hore Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Mudug, Hoggaan dhaqan, Haweenka Degmada , Dhallinyaro iyo Fanaaniin.

no images were found

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online