Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Garoowe ku laabtay.
August 13, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka DPL oo saaka kasoo kicitimay Magaalada Muqdishu ayaa soo dhaweyntiisagaroonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir waxaa qeyb ka maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmadda Garoowe, qaar kamid ah Goleyaasha Dawladda Puntland, saraakiil katirsan Baarlamaanka & Madaxtooyada Dawladda Puntland, iyo dadweyne fara badan oo qayb ka ahaa soo dhaweenta.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cusmaan ku soo dhaweeyo dalka.
Inta ka dib, Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa u sheegay Warbaahinta inuu muddo dalka dibadda ugu maqnaa safarkiisana uu daarnaa Arrimo shaqsi iyo weliba hawlo u gaar ah, waxa uuna ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada DPL & sarkaalkii ka tirsan Madaxtooyada ee ku geeriyooday Gaalkacyo.
————-DHAMMAAD———-