Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka Doorashooyinka iyo Dhammeystirka Heshiisyadii Samareeb 1-3
September 17, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirkii Doorashooyinka dalka ayaa uga mahadceliyey Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudnaanta ay siiyeen in la sii amba-qaado dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka.
Dhankooda, Madaxda Shirka qeybta ka ahayd ayaa ku bogaadiyey Madax weynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta ku dhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Xiritaanka Shirka waxaa ka qayb-galay Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.
no images were found
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so