Madaxweynaha Puntland oo lagusoo dhaweeyey Baydhabo

September 23, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Ambs Cali Siciid Fiqi, Goleyaasha Dowladda , Saraakiil Ciidan iyo
Qeybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo
ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Shaati gaduud.

Dowladda Puntland ayaa xiriir iskaashi la leh dhammaan dowladdaha xubna ka ah DFS, oo ay Koonfur Galbeed ka midtahay, sidaasi darteed Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.