Nadwadii 15 aad oo ka bilaabatay Masjidka Cumar Binu Khadaab ee Degmada Qardho (Masawiro)

September 9, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Waxaa Caawa oo Khamiis ah Taariikhduna tahay 10 September si Rasmi ah uga bilaabaray Degmada Qardho Gaar ahaan Masjidka Cumar Binu Khadaab Nadwadii 15 aad ee Sanadlaha ahayd, Nadwadaas waxaa ka soo qayb galay Culimada ugu waaweyn Gobolada Puntland, Nadwadaas oo socon doonta Afar habeen Waxaa furitaankeeda Ka soo qayb galay Isimo, Nabadoono, Maamulka Degmada iyo Gobolka iyo Bulshada ku nool Degmada.
Waxaa Khudbado soo dhaweyn ah ka jeediyey
1. Sheekh Xaamid Cabdi Maxamed Gudoomyaha Musasada Al Minhaaaj ee Degmada Qardho
2. Sheekha Baladka Sheekh Xasan Maxamed Muuse Bookh
3. Islaan Mahad Maxamud Cilmi
4. Warsame Macalin Cabdi.Gudoomiye ku xigeenka gobalka Karkaar
Waxaa Nadwadan ka qayb qaadan doona Culumada kala ah:
@ Sh Daahir Aw Cabdi.
@ Sh Sh Maxamud Xaaji Yuusuf.
@ Sh Maxamed Godane Xoosh.
@ Sh C/raxmaan Bukhaari.
@ Sh Xasan Maxamed Muuse (Bookh).
@ Sh Axmed C/samada Cabdulle.
Halgan.net
Qardho

Comments are closed.