Guddiga dib u habaynta Ciidamada Puntland oo kormeer ku tegay xerada Tababarka ee Godod.[Masawiro]

December 16, 2020 - Written by Editor

GODOD:-Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Godod oo kat irsan gobolka Mudug waxaa booqaday Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Booqashada Dugsiga ee Wasiirka waxaa ku weheliyay Taliye kuxigeenka Daraawiishta Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland.

Wasiirka, Taliye kuxigeenka iyo Abaanduulaha Ciidamada Daraawiishta ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta ee Tababarka ugu jira Dugsiga GODOD.

Taliye kuxigeenka Daraawiishta iyo Abaanduulaha Ciidamada ayaa saraakiisha Dugsiga iyo Ciidamada uga warbixiyay booqashada Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga taasi oo ah uguur gelid dhanka Dugsiyada ah.

Mudane Xasan Shire Cabdi , Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa la hadlay Ciidamada , waxana uu u balan qaaday in ay heli doonaan xuquuq dooda iyo mushaharkooda balse loo baahanyahay Ciidamo amar qaata oo u shaqaynaaya dalkooda.

Guddiga dib u habaynta Ciidamada ayaa la filaayaa in ay booqan doonnaan Dugsiyada kale ee ka furan gobolada kale ee Puntland.

Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online