Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Shir jaraaid ku qabtay Gaalkacyo kagana hadlay hadalo uu ka yiri Masaajidda Gaalkacyo.[Video]
December 28, 2020 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xusay in uu alle uga towbad keenay hadal uu ka jir Aadanka oo ahaa ”Aadanka baa i dhibaya” arrinkaas oo uu ka hadlay Sh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa waxaa si faahfaahsan uga hadlay xaalada dhabta ee ka jirta Masaajidda magaalada Gaalakacyo iyo weliba sababaha uu uga tukan waayey.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa xusay in ilaa 48 qof lagu dilay masaajidda Gaalkacyo halka mid ka mid ahna lagu dilay ilaa 11 qof arrinkaas oo uu aad u dhibsaday wax ay culimada masaajidda Gaalkacyo ay uga hadli waayeen dilalka lagu bartilaamsanayo haldoorka Gobolka Mudug welibana lagu dilayo Masaajidda marka ay ku soo tukadaan.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa xusay in hadalku uu halkaas la maray goobta uu ka hadlayeynay ay ahayd goob dil wadareed ay ka dhaceen laguna dilay masuuliyiin iyo saarkiil ciidan oo ka tirsanaa Gal-Mudug iyo Puntland.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa sheegay in ay la soo hadleen culimo fara badan ayna ka codsadeen in uu ka laabto gafkii ka dhacay ee ahaa Aadanka baa i dhiba uuna aad ugu mahad celinayo wax la is yiraahdan ay ugu fiican tahay alle ka baq Allena uu uga towbadkeenay gafkaas ka dhacay.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa waxaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo walaalihii iyo qaraabadiisa halka Aabihiis uu u dhintay naxdin uu ka qaaday dil loo geystay walaalkiis oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee uu bedelay.
Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ku qabtay Gaalkacyo.
Vedio-ga Source: Dalmar Media
M_M_Deeq
Halgan.net