Madaxweyaha Jubbaland oo kulan la qaatay Ururada Bulshada rayidka.

December 1, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed maxamed Islaam ayaa maanta kudbad u jeediyay Ururada Bulshada rayidka ah ee Jubaland iyo hay’adaha Dowlada.

Kulankan oo ahaa mid uu Madaxweynahu Bulshada iyo hay’adaha Dowlada kula wadagaayo xaalada uu dalka marayo ayaa waxaa ka qaybgalay Haween dhalinyaro culimo siyaasiyiin Aqoon yahano iyo masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ah waxaana ugu horayn Madaxweynahu uu ka hadlay Xaalada amaanka isagoo sheegay in maalmahii lasoo dhaafay Kooxda Al-Shabaab ay culays soo saareen deegaanada Jubaland isla markana ay fuliyeen falal amaanka lid ku ah isaga oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in shacabku ay laba jibaaran wada shaqaynta hay’adaha amaanka taas oo uu sheegay Madaxweynahu in habacsanaan ay ka jirto wuxuu Madaxweynahu intaas ku dairy in hubka sharci darada ah aan la ogolayn cidii lagu helana talaabo laga qaadi doono.

Dhamaan Bulshada ayuu Madaxweynahu kala dardaarmay khatarta qabyaalada isagoo xusay in Midnimo lagaga gudbi karo caqabadaha taagan wuxuuna ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan wuxuuna xusay in figradaha kala duman ibo aragtiyada siyaasiga ah aan marnaba lagu lamaanayn karin qabyaalad taas oo bulshada sii kala fogaynaysa.

Hay’adaha Dowlada ayun Madaxweynahu sheegay in ay doorkooda qaatan oo wacyi galinta bulshada ay xooga safran isagoo sheegay in aar badan oo shacabka kamin ah lagu marin habaabinayo waxyaabo aan sal ido raad lahayn oo qayyaaladu ay ugu weyntahay.

Arimaha Doorashooyinka ayuu sheegay in ay Jubaland ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka ay ugu dhici lahayd qaabkii lagu heshiiyay iyadoo dalkeena ay astaan u tahay in afartii sanaba hal mar Doorashooyin la aado isagoo sheegay in ay Jubbaland xaq u leedahay inay maamusho doorashooyinka ka dhacaya deegaanka.

Madaxweynaha yaa intaas ku daray in isku tanaasulka iyo wadar ogolka ay asal u yihiin doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca si taas loo gaarana ay muhiim tahay in heshiiyadii la galay la fuliyo gaar ahaana in gudiga doorashooyinka Jubaland iyo Wasaarada Arimaha gudaha looga baahan yahay inay tagaan goobta labaad ee loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Federaalka ah.

Madaxweynaha ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan Madaxda Dowlada kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan sidii lagu yaqaanay figradaha xagjirka ah ee Argagixisada wax loo dulqaadan karana aanay ahayn.


………DHAMAAAAAD……..

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online