Madaxweynaha Gal-Mudug oo ka qayb galay Shirkii 5aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka

December 7, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo habka Foggaan aragga Ee Zoom-ka uga qaybgalay Shirkii 5aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa ka jeediyey khubad muhiim ah oo khuseysa dhinacyada; Dib-u-heshiisiinta, Doorashada & Amniga.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Madashani muhiimad gaar ah u leedahay ummadda Soomaaliyeed isagoona ku booriyey dhamaan masuuliyiinta iney labanlaabaan dadaalka loogu jiro xoojinta midnimada, wadajirka, isku tashiga, isku tanaasulka umadda soomaaliyeed, si loo ilaaliyo mustaqbalka jiilka soo socda, dhidibadana loogu aaso dowlad waarta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Galmudug qaadanayso door shariif ah, si loo yareeyo culeysaadka iyo xumadaha ay leedahay doorashadu.

“Galmudug waxa ka go’an taabagelinta iyo hirgelinta heshiisyadii Dhuusamareeb (1,2.3) iyo dhameystirka heshiiska oo lagu qabtey magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in natiijada siyaasad xasiloon ay ka dhalan karto, bulsho midaaysan, walaalo ah, gacmaha is heysto oo kuna dhaqma sharci iyo dastuur dameystiran ayuu yir.

Ugu dambeyntii madaxweynuhu wuxuu sheegay in Galmudug ay diyaar utahay in ay qeyb mug leh ka qaadato dib u dhiska dalka, xasilinta siyaasadda, sugidda amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.
-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug.

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online