Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari oo la kulmay Booliska Gobolka Bari.[Video]
December 6, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta shir Guddoomiyey kulan Deg Deg Ah oo looga hadlaayey Amniga Magaalada Bosaaso.
Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Saraakiisha Laamaha Ammaanka Gobalka Talisyayada Saldhigyada Xafadaha Waxana Aad Looga Hadlay Xalaada Amni Magalada.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga,iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Magalada oo idil. Uga dambayntii Taliye Xuseen ayaa Shacabka ku dhaqan Bosaaso ka codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta Laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darro ee ay kooxaha Argagixisadu ka geysan karaan.
M_M_Deeq
Halgan.net