Wasaaradda Waxbarashada Federaalka iyo Wasaaradda Waxbarashada PL oo Heshiis wada gaaray.

December 13, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa Puntland soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS), mudane Maxamed Xasan Rooble. Waxaa wafdiga qayb ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DFS, mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji (Carab)iyo Wasiiru-dawlaha Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee DFS, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir).

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Disembar 2020, waxaa kulan is afgarad ah dhexmaray madaxda labada Wasaaradood.

Kulankan waxaa looga arrinsanayey arrimaha waxbarashada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta labada wasaaradood ee Puntland iyo dawladda dhexe.Waxaa la isku afgartay qodobbada hoos ku xusan:

1. In ardayda Puntland ee dhammaysay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee Federaalka oo laga heli doono xarunta dhexe ee WW&TS ee dawladda Puntland iyo xarunta dhexe ee WWH&TS ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

2. In la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha waxbarashada dalka (sida xeerka iyo siyaasadda waxbarashada, dhismaha guddiyada imtixaanaadka, manaahijta iyo kormeerka waxbarashada, IWM).

3. Waxa ay labada wasaaradood isla qaateen in ardayda reer Puntland loo siidaayay shahaadada dugsiga sare ee dawladda Federaalka.

Wabillaahi Towfiiq
—–Dhammaad——

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online