Wasiirka Waxbarashada Puntland dib ugu soo laabtay Garoowe.[Masawiro]
December 17, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa maanta dib ugu soo laabanaya dalka, isaga oo safar shaqo muddo ugu maqnaa dalka Maraykanka.
Safarkiisa shaqo ee Wasiirka ayaa salka ku hayay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay hay’adaha waxbarashada iyo jaaliyadda Puntland ee Soomamaliyeed ee dalka Maraykanka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay hay’adaha taageera waxbarashada, waxa ayna isla qaateen in ay hayadahaasi Puntland ka taageeri doonaan dhinacyo kala duwan oo dhanka waxbarashada ah.
Ujeeddada safarka ee Wasiirka Waxbarashada Puntland ahaa ah mashruucii Waxbarashada Ifiye, heshiiskii dhammaystirka jaamacadaha Minnesota iyo Puntland, Sanduuqii Hormarinta Waxbarashada Puntland ee jaaliyadda Puntland ee Minnesota ee Maraykanka iyo qaar kale. “Jiil aqoon lagu barbaarshaa, bulshadu saboolnimo kaga baxdaa”.
M_M_Deeq
Halgan.net