Wefdi ka socda Golaha Wakiillada PL oo safar shaqo ku jooga dalka Zambia

December 1, 2020 - Written by Editor

Zambia:-Wefdi ka socda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xil. Cawil Xassan Daad ayaa Xarunta Golaha Qaranka ee dalka Zambia ( National Assembly of Zambia) kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia Hon. Dr Patrick Matibini iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Dr. Howard Kunda.

Baarlamaannada Puntland iyo Zambia ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, sidoo kalena, halkaas waxaa la isku dhaafsaday, dood cilmiyeed ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyada Guddiyada maaliyadda, Xisaabaadka, Hantidhawrka & wada-shaqeynta Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha amniga.

Weftiga ka socda Golaha Wakiillada DPL ayaa u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia salaan ay uga sidaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Guud Mudane Cabdirisaaq Cumar Madoobe, khabiiro dhinaca Qaanuunka Iyo Xisaabaadka, la taliyayaal sar-sare, madax ka socta Barnaamijka maareynta Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaan ( Public financial management – PFM ) Iyo Hawl-wadeeno ka tirsan labada Baarlamaan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online