70 Soomaali ah oo laga Celiyey Maraykanka.[Dhagayso]
January 15, 2021 - Written by EditorTan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa Soomaaliya dib loogu celiyay oo la masaafuriyay boqollaal Soomaali ah. Kooxdii ugu dambeysay oo Soomaali tarxiil ah oo ka kooban 70 ruux ayaa shalay laga duuliyay gobolka Minnesota.
Arrimahan waxaa aad ula socday Maxamuud Muuse Xasan BBC oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Mareykanka. Khadka Taleefoonka ayuu ugu waramay Jacfar Kukay.
VOA