Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo tegay Dhuusamareeb.[Video/Masawiro]

January 24, 2021 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Gud. Xigeenka Baarlamaanka GM iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug.Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee ka socda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo arrimaha doorashooyinka Dalka.

no images were found

Shir jaraa’id ayay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye & Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kadib booqashadiisa maanta.

ugu danbeyntii, shirka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoo la isku afgartay wada shaqeyn joogta ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online