Guddiga Madaxweynaha Dowladda Puntland u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka oo qodobo soo saaray.[Video]
January 16, 2021 - Written by EditorGaroowe:- Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland Guddiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka waxaan ay soo saareen qodobo hoos ku xusan:-
1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.
2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.
3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.
4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.
5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.
6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.
7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.
8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.
M_M_Deeq
Halgan.net