Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kormeeray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee magaalada Badhan.[Masawiro]

January 20, 2021 - Written by Editor

Badhan:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeeray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee magaalada Badhan.
Dugsiga oo xilligan tababar uu uga socdo cutubyo cusub oo ku biiraya Ciidamada difaaca Dawladda Puntland ayaa waxaa madaxdu ay kuurgaleen xaaladda ciidamada, iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaysa.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku uu u socdo, kadibna waxay meel fagaare ah ku daawadeen dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey.
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka uu u socdo, wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.
Weftiga Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha dib u habeynta ciidamada, Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska sarreeye guuto Cabdi Xassan Xuseen, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal, Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac, Taliyeyaasha kala-duwan ee Ciidamada ka hawlgala Gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo saraakiil kale.

no images were found

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online