Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo ka digey dib u dhaca doorashada
January 18, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadalay arimaha doorashada dalka Soomaaliya iyo xaalada amniga qaar ka mid ah gobalada dalka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in doorashooyinka dalka ay ka dib dhacaan waqtigooda laguna heshiin waayey wuxuuna ku baaqay in arinka doorashada laga heshiiyo 8 bisha Feberaayo ka hor.
Madaxweyne Shariif ayaa Waxa uu carabka ku adkeeyay in wada-hadal laga yeesho khilaafka ka taagan doorashada dalka wuxuuna ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah .
Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ammaan ee uu dalka ku jiro waxaana uuna sheegay in meel adag uu marayo ammaanka dalka loona baahan yahay in wax laga qabto, maadaama uu sheegay in Al-shabaab ay culeys ku hayaan amniga dalka, gobalada dalkana dhib weyn laga soo sheegayo .
A/Cawale
Halgan.net