Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan l qaatay Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.
January 21, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.
Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa yiri ”iyagoo sii wada kulamada khadka Internet-ka ah oo ay la yeelanayaan madaxda Soomaalida, ayey maanta saaxiibbada caalamku ku boorriyeen Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni in uu sii wado xal u helidda caqabadaha doorashooyinka dalka iyadoo loo marayo Wadahadal iyo isu-tanaasul”.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net