Madaxweynaha Gal-Mudug oo kulan l qaatay Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya
January 21, 2021 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta waxaa uu qadka internet ka shir kula yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka.
Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday Midowga yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo midowga Afrika Shirka ayaa diirradda lagu saaray xaaladihii u danbeeyay ee hanaanka doorashada dalka ee 2021.
A/cawaale
Halgan.net