Taliska ciidanka Booliska Gobalka Mudug oo qabtay qaraxyo la doonayey in laga fuliyo Gaalkacyo.[Video]

January 23, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdishire iyo Gudoomiyaha Gobalka ayaa Isbitaalka ku soo booqday Askartii iyo dadkii kale ee ku dhawacmay Qarax Xalay Fiidkii ka dhacay magalada Galkacayo gaar ahaan Iskuulka Cumar Samatar oo Walxaha Qarxa la dhigay.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dowlada Puntland Muumin Cabdishire ayaa sheegay in ay ku daba jiraan danbiilayaashii falka geystay waxaan uu ugu baaqay shacabka magaalada Gaalakacyo in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo sugo amniga magaalada.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dowlada Puntland Muumin Cabdishire ayaa sheegay in shalay ciidanka amniga ee Gaalkacyo ay ku qabteen qaraxyo la diyaarinayey oo la doonayo in lala bartilmaamsado dadka reer Gaalkacyo iyo maamulka Gobolka Mudug.

Dhinac kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri”Qarax xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo in uu yahay naf la caari u jeedkiisuna uu yahay is muujin ama waa joognaa balse maamulka Gobolka Mudug iyo laamaha amniga ay si dhaqso u soo qaban doonaa Sharwadayasha Al-shabaab .

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sidoo kale xusay in xogta Qaraxa waanu haynay laakiin Qadarta qornayd, sidaanu kuwii hore u soo qabanay baanuna kuwaan u soo qabanaynaa oo wax naga qarsoomayah maahan.”

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online